Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho Ku Geeriyooday

0

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyoodey mid kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Khaliif  Sheekh Cabdullaahi (Duurey).

Xildhibaanka oo Sadexdii maalin ee la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa shalay galinkii dambe la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaasi oo uu ku dhintay  abaare 09:30Pm ee Habeenimo.

Allah ha u naxariistee marxuum Khaliif Sheekh Cabdullaahi ayaa ahaa Xildhibaan laga soo doortey maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madax kale oo katirsan labada golle ee dowladda ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka,waxayna ALLAH uga baryeen inuu geliyo jannadiisa firdowsa.

Waxaa lagu wadaa saakay in Xildhibaanka aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here