Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Musharixiin badan ayaa u taagan qabashada xilka Gudoomiyaga baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya kuwasoo shalay qudbadahooda waxqabadka ka jeediyay xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya hortooda,
Dhanka kale Gudoomiyaha Kmg-ga ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane C/lle Mursal Xuseen oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ay rajeynayaan in si daacad ah u doortaan Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Isla maanta waxaa la dooran doonaa Gudoomiyaha ku xigeenka kowaad iyo midka Labaad ee baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya

