Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey dalab ka yimid Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa inay iscasilaan wasiirada u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Wasiir C/raxmman Xoosh Jibriil oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa ka hadlay waxa uu dastuurka dalka ka qabo in wasiir isku sharxo xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya.
Jawaabtii Wasiir Xoosh bixiyey ayaa hayd: “Maya. Qodobka 59 c) wuxuu farayaa in shaqhi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaazul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa isagoon is casilin.., laakin maalinta uu Guddoomiye Golaha Shacabka naqdo, wasiirnimadii waa gubattaa !!..”

