Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday hoyga uu magaalada Baraawe ka dagan yahay Gudoomiyaha degmadaasi Xuseen Barre Jeex.
Weerarka oo loo adeegsaday Bamgacmeyd ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay ku qaadeen guriga uu degmada ka degan yahay Xuseen Barre Jeex gudoomiyaha degmada Baraawe ee G/ shabeellaha hoose.
Lama khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarka, xiriiro Simba ay la sameysay saraakiisha ciidamada degmada Baraawe ayaa inoo sheegay inuusa jirin wax dhibaata ah oo ka dhashay weerarka Banbaano.
War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay inuu si dirqi ah kaga bad baaday gudoomiyiha degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex weerar Xogag katirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Hoygiisa.
Al-shabaab ayaa intaa ku daray kadib markii uu weerarka gudoomiyaha ka bad baaday inuu u baxsaday qaab magan galyo ahaan xero ciidamo katirsan AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmada Baraawe.
Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex oo la hadlay Idaacada Simba ayaa beeniyay warka kasoo baxay Al-shabaab ee lagu sheegay inuu si dirqi ah kaga bad baaday weerar lagu qaaday hoygiisa, waxuu intaa ku daray gudoomiyaha in weerarka lagu qaaday xaafada baqdaad ee degmada Baraawe. Ayna jiraan dhaawacyo kasoo gaaray Bamba gacmeydka dad shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.
Majirto cid ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijin karta sida weerarka uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay intaba, saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada ayaa sheegay inuusa jirin khasaare ka dashay weerarka, halka Al-shabaab ay sheegeen in gudoomiyaha si dirqi ah uu kaga bad baaday weerarka ciidamada shabaabka ay ku beegsadeen Hoyga gudoomiye jeex ee degmada Baraawe.
Wararkii ugu danbeeyay ee Simba ay ka heleyso degmada Baraawe ayaa sheegaya xaalada iminka iney tahay mid degan, gudaha magaaladana lagu arkayo ciidamo fara badan oo saan saanta ay wadaan u badan tahay iney doonayaan howlgalo lagu baadi goobayo ragii weerarka Bamgacmeydka ka danbeeyay.

