Taliska CXD oo La Wareegay Gaadiidkii iyo Ciidamadii Imaaraadka ay Tababareen

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaaliyeed ayaa maanta shaaciyay inay si rasmi ah ula wareegeen ciidamadii ay tababareen Imaaraadka Carabta.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaaliya Generaal C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan,Islamarkaana magaca xarunta loo bixiyay Xarunta Daljir ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed.

Xarunta Jeneraal Gordon  Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho,ayaa waxaa daganaa Saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta, balse khilaaf soo kala dhex-galay Dowladdaha Soomaliya iyo Imaaraadka ayaa keenay in Saraakiisha ay Xaruntaas faarujiyaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here