Guddiga Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo Lagu Dhawaaqayo

0

Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka  maanta ayaa ah ku dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaliya ayaa xalay lagu wargaliyay in uu jiro kulanka, islamarkaana lagu dhawaaqayo Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Liiska guddiga la magacaabayo ayaa ka kooban 15-Xubnood oo ka kala imaanaya 5-ta Beel ee Awood qeybsigeedu ku dhisan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Beel waliba xubnahaan ugu jira 3-Xubnood.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u sharxan dhowr Xildhibaan,iyo wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here