Kenya ayaa shaacisay Magacyada iyo Sawirrada Saddex Dhallinyara ah oo loogu shakiyay inay u goosteen Xarakada Al-Shabaab, qeybta ka dagaalanta gudaha dalka kenya.
Hamis Hemed oo loo yaqaan Baloteli, Mohamed Abdalla Asman oo loogu yeero Papa ama Raymond, iyo Ali Ahmed Ali, ayaa la waayay xilli hore oo Arbacadii ah, sida uu sheegay madaxa Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Kenya, Charles Wahong’o .
Taliska Booliska ayaa sheegay in Mohamed Abdalla oo ka mid ah Saddexdan tuhmane hadda ka hor lagu xiray Magaalada Gaarisa 4-tii Oktoobar, 2013-kii, iyadoo la sii daayay 12-kii July, 2017 markii uu dhammaystay muddadii lagu xukumay.
Weerarkii ugu danbeeyay ee ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya ayaa ka dhacay 16-kii Fepraayo ee Sanadkan Iskuul ku yaalla Magaalada Wajeer, halkaasoo ay ku dileen Afar Macallin iyo Haweeneey oo ku wada sugnaa goobta weerarka ay ku qaadeen xoogaga Xarakada Al-shabaab.
Howl-galladii ugu dambeeyay ee ay isla xilligaasi Ciidanka Booliska Kenya ka sameeyeen degaanka Merti, oo ka tirsan Gobolka Isiolo, ayay kusoo qabteen 36 Garnayl, 18 ka mid ah aaladaha qaraxyada laga sameeyo ee IED-ga loo yaqaan iyo 5 Qori oo ah Nooca AK 47 ah.
Waxaana sidoo kale lagu dilay isla howl-galkaasi mid ka mid ahaa tuhmanayaasha oo isku dayay inuu baxsado, iyadoo Laba xubnood oo kalana xabsiga ay dhigeen ciidamadii howlgalkaasi fuliyay.


