Waxaa xalay magaalada muqdisho ka dhacay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ciidamada amaanka ee howlgalka fuliyay ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay Al-shabaab-nimo.
Howlgalka ayaa xalay waxuu ka dhacay xaafada Suuqliif ee degamda Dharkenley, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacada Simba ee magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Saraalk katirsan Laamana amniga dowladda oo xiriiro ay la sameysay Simba ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen rag la aaminsan yahay iney gacan saar la leeyihiin Xogaga Al-shabaab, balse baaritaan uu ku socdo, waxii la xiriira arinta raga gacanta lagu dhigay, dib Warbaahinta ay kala wadaagi doonaan.
Dhanka kale sarkaalka oo la hadlayay Simba ayaa ka gaabsaday inuu cara-baabo tirada rasmiga ee raga ciidanka Amaanka Soomaaliya, ay xalay ka soo qabteen xaafada Suuqliif ee degamda Dharkenley.
Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan howlgalka xalay ka dhacay degmada iyo deegaano ku dhaw dhaw ayaa sheegaya xaalada saakay iney tahay mid degan, isku socodka gadiidkana uu dib shaqo bilowday.

