Maanta waxaa baarlamaanka hadal jeedin ka sameeyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, wuxuuna hadalkiisa ku saabsanaa xil ka tagistiisa iyo sababihii ku kalifay in uu kursiga ka tago iyada oo ay 3 sano uga dhimantahay muddo xileedkii la doortay.
“ Maanta oo ay bisha tahay April,12/2015,waxaan Golahan Sharafta leh hortiina aan u imid inaan rasmi ahaan idin ku war geliyo inaan xilkii ammaanada ahaa Alle subaxaanahu Watacaallaa ka sokow aad adinku igu ammaaneysateen idinkoo wada fadhiya idin ku soo celiyo,waxaana idinka codsanayaa in xil heynta Guddoonka iga cafisaan istiqaaladeydana iga ogolaataan,” ayuu ku yiri Prof; Jawaari Khudbadiisa uu ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka soomaaliya.
“Shacbiga Soomaaliyeed waa dad wanaagsan oo la xukumi karo, balse waxa ay u baahanyihiin caddaalad, caddaalad, caddaalad” ayuu yiri Jawaari , isaga oo xildhibaanada xusuusiyay in mid kasta oo iyaga ka mid ah uu matalo konton iyo dhawr kun oo shacabka ah, sidaasi darteedna ay tahay “in go’aanada ay gaaraysaan iyo waxa aad saxiixaysaan ku sameeya si xog ogaalnimo ku jirto”
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay kuwo Alle ka cabsigooda yar yaryahay baraha Bulshada ay ku tebinayeen in lacago Malaayiin dollar ah laga siistay istiqaalada iyo xilka degistiisa.
Wuxuuna Xildhibaanada hortooda Mr. Jawaari uu ka cadeeyay ineysan jirin wax lacag ah oo looga bedeshay iscasilaada uu sameeyay,isagoona dhanka kale tibaaxay in xil ka degistiisa ay muhiim u ahayd Qaranimada iyo jiritaanka Dowladnimada Soomaaliy.
Mudane: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa xilkaan waxaa loo doortay 11-kii bishii Janaayo sanadkii 2017,,isagoo labo jeer Guddoomiye Baarlamaan ka soo noqday dalka,waana qabiir dhanka sharciga oo mudo ka badan 50-sano soo ahaa shaqaalo Dowladeed.
Ugu dambeyntii Jawaari ayaa sheegay in uu arkay wax u eg cudud sheegasho, sidaasi darteedna intii dartiis qof u dhaawacmi lahaa ama u dhiman lahaa uu isaga doortay in xilka baneeyo si xal loo helo.
Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heysta muddo 15 maalmood ah oo ay tahay in uu kusoo doorto guddoomiye cusub, waxaana durba isa soo sharaxay musharixiin kala duwan.

