DFS oo Sheegtay in ay La Wareegayso Ciidamaddda ay Imaaraadka Tababareen+Dhageyso

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorshe  u dajisay Ciidamadda ay tababartay Dowladda Imaraadka Carabta.

Wasiirka Gaashandhigga ee Xukumadda  Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan  oo la hadlay warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay la wareegayso Ciidamadda imaaraadka carabta ay tabarareen,maalinta khamiista ah, islamarkaana ay bixin doonto wixii mushaar iyo xaquuq ay xaq u leeyihiin.

“12-ka April oo ku beegan  maalinta khamiista ah,dowladda Soomaaliya waxa ay la wareegi doontaa dhamaan Ciidamadda ay Tababartay dowladda imaaraadka Carabta, runtii dowladda Soomaliya ayaa bixin doonta wixii Mushaar iyo xaquuq ah”, ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan  ayaa sheegay in wasaaradda ay diyaarisay ciidamo dhowr ah oo qalabeysan kuwaasi oo loogu talagalay in ay weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin Xarakadda Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here