Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo La Baajiyay!

0

Waxaa baaqday kulankii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta ka dhici lahaa xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kulanka maanta waxaa khudbad ka jeedin lahaa Gudoomiyihii iscasilay Jawaari,islamarkaana ku shaacin lahaa iscasiladiisa.

Xalay waxaa labo Fariin oo iska soo horjeeda loo kala direy Xildhibaanada baarlamaanka SoomAaliya ee wali labadda garab u kala qeybsan.

Farriin laga soo diray xafiiska Guddoomiyihii  iscasilay Jawaari ayaa lagu sheegay in kulanka maanta ee baarlamanka Soomaaliya uu yahay hadal jeedinta Guddoomiyaha, halka farriinta C/wali Shiikh ibraahim Muudey lagu sheegay in uusan jirin kulan illaa amar dambe

Inkastoo Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu shalay ku dhawaaqay iscasiladiisa, ayaa hadana go’aanka Gudoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Muudey waxa uu muujinayaa in wali uu meeshiisa yahay khilaafkii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here