Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Saxiixay Heshiis Lagu Dhisayo Xarunta Golaha Shacabka “Sawirro”

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Ee Soomaaliya prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta soo bandhigay heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Xubno ka socda Dowlada Turkiga.

Heshiiska ayaa lagu dhisayaa xarunta KMG ah ee golaha shacabka Soomaaliya ee ay hadda ku shaqeeyaan inta Xaruntooda rasmiga ah Loo shaqa galinayo.

Guddoomiye Baarlamaanka Golaha Shacabka Ee Soomaaliya Maxamed Sheekh cusman Jawaari oo warbaahinta  Kula  hadlay Halka uu heshiiska ka dhacay ayaa sheegay in heshiiskaas lagu dhisayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.

Sidoo kale Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Hay’adda TIKA ay dhiseyso golaha shacabka Soomaaliya isaga oo sheegay in marka la dhiso  xarunta weyn ee Guriga Umadda ay halkaas u guuri doonaan golaha shacabka.

Danjiraha Turkiga ufadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Dhismaha Xarunta Golaha Shacabka ayaa noqon doona todobo dabaq oo Xildhibaan kasta uu ku yeelan doono Xafiis uu ku shaqeeyo, sida qorshaha uu yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here