
Dal kamid ah ah wadamada Carabta oo xubin muuqata ku leh Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka muuqday ee labada dal u dhaxeeyay.
Warbaahinada ku yaal magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ayaa xusul duub ugu jirta sidi ay u kala dhex geli laheyd xirir xumada soo kala dhax gashay Somaaliya&Imaraadka Carabta.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dowladda Sacuudiga ay labada dhinac dalab u dirtay, si wada hadal uga dhex furto, xalna looga gaaro khilaafka jira.
Soomaaliya ayaa dhowaan walaac ka muujisay faragelinta shisheeye ee Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Maamulka Somaliland ee ku saabsanaa Dekeda Berbera.
Isbuucan aynu soo dhaafnay ayaa waxaa sii xoogeysanayay Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloolsan Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya, kaa oo ka dhashay heshiiskii Saddex geesoodka ee Dekeda Berbera, waxaana baraha bulshada ka bilowday dagaal qabow oo Kooxo Carbeed ay ku aflagaadeynayeen Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo Soomaali badan ay si layaab leh uga jawaabeen gefka iyo weerarka ay xubno Carbeed ku hayeen Soomaaliya iyo madaxdeeda.
