Xaliimo Yarey:-“Dhulka Aysan Gacanta Ku Haynin Shabaab Doorasho Ayaa Lagu Qaban Doonaa”,

0
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey

Guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo dhulka aysan Xarakadda Al-shabaab gacanta kuheyn.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo hadal u jeedisay Soomalida Magaaladda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in sanadka 2020-ka ay doorashada shacabka intiisa badan ay ka qeyb qaadaan doonaan.

Waxa ay sheegtay in daraasado la sameeyay lagu ogaaday in Xarakadda Al-shabaab aysan haysanin dhulal badan oo ku yaala koonfurta dalka Soomaliya, islaamrkaana taasi ay cadeynayso in doorashadda qof iyo cod lagu qaban karo magaalooyinka Goboladda dalka Soomaliya.

“Magaalooyin badan oo ku yaala Koonfur Galbeed Soomaliya, Hir-shabeelle, Jubba-land, Puntland iyo Galmudug ayaa safaro ku tagay meelaha ay Al-shabaab gacanta ku hayaan waa goobo cayiman, taasi waxay cadeyn u tahay in Soomaliya  sanadka 2020-ka lagu qaban doono doorashado qof iyo cod”, ayay tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga Xaliimo ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in dalal badan oo caalamka oo amnigooda uu liito ay ka dhacaan doorashada qof iyo cod.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here