Kalfadhiga 3-aad ee Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaliya oo Maanta Furmaya

0

Kalfadhiga 3-aad ee labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furmo maanta oo sabti ah Taariikhdana ay ku beegantahay 10.3.2018.

Sida uu qabo Dastuurka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Furaya kalfadhiga 3-aad ee Golayaasha Xeerdejinta Ee dalka.

Xafladda furitaanka Kalfadhiga 3-aad ayaa lagu qaban doonaa xarunta Tababarka Booliska General Kaahiye.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.

Amaanka xarunta tababarka Booliska ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa amniga sugaya Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here