War Deg Deg:-Toogasho Goordhaweyd Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa caawa waxa ay dil ka geysteen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay xaafadda Koodka degmadaXamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaana toogasho lagu dilay ganacsade magaciisa lagu sheegay Ala Ha u Naxariistee Muuse.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba  u sheegay in ragga hubeysan ay Muuse kaga dhufteen ilaa  afar xabbadood dhanka Madaxa, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya kuwaasi oo baritaan kawada goobta.

Ganacsadaha la dilay caawa ayaa ka ganacsan jiray Khudaarta sida aan wararka ku helayno, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dishay toona.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here