Maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa diyaarinaya ciidamo fara badan oo la dagaalami doona dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.
Afayeenka maamulka koofur galbeedNuuradiin Gacma, ayaa sheegay iney diyaarinayan 2,500 oo Askari kuwaas oo u gaar noqonaya ammaanka Gobolka Shabeellaha hoose, si ay kaga adkaadaan Xogaga Al-shabaab ee ku xoogan deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka shabeellaha hoose.
Ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee soomaaliya ayaa sheegay iney dhawaan isku furi doonaan wadada isku xiriirisa Muqdisho iyo beydhabo oo ay go’doomiyeen dagaalyahano katirsan Xarakada Al-shabaab.
Ciidamadan ay diyaarineyso maamulka koofur galbeed soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maalintii shalay aheyd qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay la socdeen C/qaadir Cabdi Raxmaan oo loo yaqaan C/qaadir Baraf kaasi oo ahaa wasiiru Dowlihii amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Xildhibaan Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle.

