Maamulka degmada Buulo-barde ayaa sheegay in degmada xili go’doon ay ku jirto ay dadaal ugu jirto sida xaalada ay wajaheyso kaga gudbi laheyd.
Gudoomiyaha buulo-barde ayaa sheegay in degmada ay hawada kaliyah weli u furan tahay balse dadka ay bilaabeen in ay garab istaagaan maamulka degmada ka dhisan.
Gudoomiye Cabdi Daahir Guure aya u sheegay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho in hada hoos ay u dhaceen cuduro ka jiray degmada islamarkaana haatan xarumo xaafimaad oo dadka loogu adeegayo bulshada ay degmada ku yaalaan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in waqti ay ku bixiyeen xaqiijinta amniga degmada buulo-barde xili uu sheegay in arintaasi ay ku gacansiinayaan shacabka kunool degmada.
HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

