Soomaali laga Soo Celinayo Dalka Turkiga Oo Muqdisho ku Soo Wajahan (Sawiro)

0

 6 Qof oo soomaali ah ayaa oo dib ugu soolaabanayo muqdisho xili dadkaan laga soo ambabixiyay wadanka Trkiga.

dhaawacyadii  Ugu Dambeeyay Qaraxii Soobe ayaa Xalay Laga Soo Sagootiyay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Safaaradda soomaaliya ee dalaka  Turkiga oo gacan wayn kahelaysa  Wasaaradda Caafimaadka ee Dalaka Turkiga ayaa si wada jir ah u soo sagootiyay Bukaanadii ugu dambeeyaya  qaraxii  14kii October ka dhacay Zoobe  oo mudo badan lala taacalayay dhibaatadii ka soo gaartay.

 

Turkiga ayaa isku xilqaantay sidii ay u lataacaali laheyd dhawacyadii qaraxii 14kii October oo saameyn wayn ku yeeshay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo u ahyed maalin madow Khasaarihii uu geystay  qaraxaas, iyadoona deeq daawo iyo caafimaad iskugu jirta ugu deeqday dhamaan bukaanadii ku wax yeeloobay , una qaaday dhawacyadii liitay dalka Turkiga si ay u helaan deeq caafimaad.

 

Bukaanadan oo ka koobnaa 6 ruux ayaa ka soo amababaxay Garoonka diyaaradaha  ee magaalada Ankara oo ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka  ee Turkiga, waxaana lagu wadaa in ay soo gaaraan  maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay ugu kuur gali laheyd Bukaanadaas, iyadoona  u xilsaaratay  Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga  C/qaadir Maxamed  Xuseen Barqadle.

 

Dadki ugu badnaa ee wax ku noqday qarixi Soobe ayaa la gaarsiiyay isbitaalada wadanka Tirkiga iyadoona badi dhaawacyadi turkiga la geeyay dalka dib loogu soo celiyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here