Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom iyo kuwa xooga soomaaliya ayaa wado dadaalo ay dib ugu furayaan wadooyinka u dhaxeeyo muqdisho iyo Baydhabo wadooyinkaas oo ay sheegeen in ay u xiran yihiin qaar katirsan Al-Shabaab.
Sarkaal sare oo katirsan Amisom ayaa sheegay in ay ciidamadooda Amisom iyo kuwa dowladda soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay furaan dhamaan wadooyinka u xiran Al-shabaab, asagoo intaasi sii raaciyay in Al-shabaab waa hore ay ka saareen maagaalooyinka waa wayn asagoona hoosta ka xariiqay in wadooyinka badankood ay ku aaseen miinooyin.
Baryihii dambe dagaalyahanadda Al-Shabaab ayaa xoojiyay weerarada ay ku qaadayaan ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika iyo kuwa dowladda soomaaliya.
Weerar ay jimcihii Al-shabaab ku qaadeen qaar katirsan ciidamada Amisom oo ku sugan degmada Balcad waxa ay sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 80 askari oo Amisom katirsan.
Al-Shabaab ayaa caasimadda Muqdisho laga saaray sanadkii 2011, markaas oo ay lumiyeen magaalooyin waa wayn oo ay maamuli jireen.

