Jubaland oo Maamulka Ku Baahinaysa Deegaanada Ka Maqan, Kana Saaraysa Al-shabaab+Dhageyso

0

 

Talaadadii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa ansixiyay qodob u diidaya inay ku kulmaan meel ka baxsan magaalada Kismaayo, iyagoo wax ka bedel ku sameeyay qodobka tilmaamayay in Baarlamaanka Jubbaland ay ku kulmi karaan ama ku shiri karaan meel kasta oo ka mid ah deegaanada Jubbaland.

Xildhibaan Cumar Buraale Axmed gudoomiyaha gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland oo lahadlay barnaamijka Bartilmaameedka Simba ayaa sheegay in  Jubballand ay ku hamineyso in maamulkooda ay ku baahiyaan deegaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka  kana saaraan Islaamiyiinta  meelaha ay kaga suganyiihin gobolada  Jubooyinka iyo Gado sida uu hadalka u dhigay

Xildhibaanka ayaa sheegay iyadoo midaasi laga duulay inay xildhiibnadu isla qaateen in la mamnuuco meel ka baxsan Kismaayo inay mudaneyaasha Jubbaland ku shiraan ama ku kulmaan si uusan ukala dhantaalmin wada jirka Xildhibaanada iyo masuuliyiinta Maamulkaasi sida uu Xildhibaan Buraale hadalka u yir

Illaa 38 Xildhibaan ayaa ansixiyay wax ka bedelka qodobka mamnuucaya in Baarlamaanka Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan magaalada Kismaayo.Xildhaanada Jubbaland ayaa la sheegaa inaysan la  xisaabtami karin Golaha Wasiirada iyo Madaxda Jubbaland.

Dhowr Xildhibaano oo aragtidooda siyaasadeed soo bandhigay, kana soo horjeestay Maamulka Axmed Madoobe ayaa la xiray, qaarkoodna laga musaafuriyay Kismaayo, waxaana lagala noqday xasaanadii Xildhibaannimo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here