Waxaa maanta magaaladda London ee caasimada dalka Ingiriiska ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha gar’gaarka bini’aadannimo ee geeska Afrika, gaar ahaan abaaraha iyo macluusha ka jirto soomaaliya.
Shirkan waxaa ka qayb galayo in ka badan 30 hay’adood oo caalami ah kuwaas oo ay kamid yihiin, World Vision, Action Aid, Save the Children iyo Relief International, dhanka soomaaliya waxaa shirkan uga qayb galayo wasiirka qorsheenta maalgashiga Jamaal Maxamed Xassan.
Xoghayaha hay’adda hormarinta ayaa ku amaanay beesha caalamka dadaaladii ay soomaaliya ka fuliyeen sanadkii aynu soo dhaafnay asagoona ku baaqay in lasii wado dadaaladaas.
In ku dhaw 6.2 milyan oo ruux oo ah kala bar shacabka soomaaliyeed ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo oo iskugu jiro raashiin, iyo biyo sida ay sheegayso qaramada midoobe.
Waxyaabaha shirkan London diirada lagu saarayo ayaa kamid ah in gargaar deg deg ah lagaarsiiyo 2.7 milyan oo ruux oo halis ku jirto in ay noloshooda wayaan.
Madaxda dowladda soomaaliya ayaa ku sheegay waxyaabaha ragaadinayo horumarka iyo soo kabsashada soomaaliya in ay kamid tahay deemaha faraha badan ee soomaaliya lagu leeyahay taas oo ka dhigtay soomaaliya in ay ka aamin baxaan in ay dhaqaalo ugu deeqaan soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyada faderalka soomaaliya mudane xassan cali kheyre oo haatan ku sugan Washington ayaa waxaa uu kulamo la qaadanayaa hay’adda lacagta IMF iyo bankiga aduunka si uu ugala hadlo in laga dhaafo deymaha lagu leeyahay.
Gabagabada shirkan London ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan waxyaabo lataaban karo oo ku aadan wax kaqabashada abaaraha iyo macluusha ka jirto soomaaliya.

