Guddiga Dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa qoraal ay u gudbiyeen madaxda sare ee dalka waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaliya Cabdi Xoosh Jibriil.
Qoraalka ay soo saareen ayay u kala direen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaliya, iyo Gudoomiyayaasha golaha shacabka iyo aqalka Sare.
Guddiga ayaa sheegay in wasiir Xoosh uu hortaagan yahay geedi-socodka dastuurka.



