Kalfadhiga 3-aad ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa lagu wadaa inuu todobaadka soo socda uu si rasmi ah u furmo.
Guddiyada joogtada Golaha shacabka ayaa shirar horudhac ah waxa ay ka leeyihiin wixii looga hadlayo kalfadhigaan iyo hindise sharciyeedyada hor-yaala.
Sida ay sheegayaan warar soo baxaya Madaxtooydda Soomaliya iyo guddoonka Golaha shacabka ayaa isla gartay in 10-ka bishaan uu furmo kalfadhiga 3-aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Somaliya, xili 5-bishaan lagu waday.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga 3aad, sida dastuurka Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya uu qorayo.
Inta badan Xildhibaanadda Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo Fasax ku maqnaa ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka ayaa la filayaa inuu ka duwanaado labadii kalfadhi ee u dambeeyay.

