Kulankaani oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya ayaa waxaa qaban qaabadiisa lahaa wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya waxaana ka qeyb galay ra’iizul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, wasiirada dastuurka Maamul goboleedyada Dalka ka jira, guddi madaxa banaan ee dastuurka iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu cazuumay.
Kulankaani ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay waziirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya waxa uuna sheegay in uu ku farax san yahay muddo dhowr iyo labaatan sano kadib in markii ugu horeysay uu kulan looga hadlayo Arimaha dastuurka uu ka dhaco Muqdisho.
Waziirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in waqtiga uu kulankaani kusoo aaday uu yahay waqti dib u eegis lagu sameynayo dastuurka Dalka waxa uuna balan qaaday in shacabka soomaaliyeed ay ka wada qeyb galin doonaan Arimaha dastuurka Dalka.
Dhanka kale Max’ed Cumar Carte ra’iizul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda kulankaani uu yahay ka wada tashiga dastuurka dalka soomaliya
Waa uu sii hadlay waxa uuna Tilmaamay in uu ku farax san yahay in dastuurka dalkeena uu yahay mid afka ingiriiska laga soo tarjumay balse waxa uu shaaciyey in iminka la doonayo in uu noqdo mid lagu qoro afkeena hooyo ee Soomaaliga.
Dastuurka Soomaaliya ee KMG ah ayaa iminka waxaa socdo qorshe ay dowladda Federaalka ah ku sheegtay in ay kaga guureyso isla markaana Dalka loo sameynayo dastuur aanan aheyn KMG.
Maamulada Puntland iyo jubbaland ayaa horay dowladda ugu eedeeyey in ay gacma gacmeyn ku sameysay dastuurka Dalka iyadoona aanan la ogeyn waxa iska badali karo eedeemohoodii maadaama wasiiro ka socdo ay ka qeyb galayaan kulankaani.

