Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa In Garoonka Diyaarada Magaalada Muqdisho soo caga dhigato Diyaarad sida Maxaabiis soomaali ah kuwaasi oo tira ahaan gaaraya ilaa 77 Maxaabiis ah ismarkaasina ku xirnaa xabsiyadda Dalka Hindiya.
Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo maxaabistaan ayaa haatan ka socota Garoonka Diyaaraddaha magaalada Muqdisho.
Maxaabiistaan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyadda dalka Hindiya, kadib markii lagu eedeeyay in ay ahaayeen Burcad-badeed.
Ra’iisul-wasaare Ku xigeenka Dalka Mahadi Max’ed Guleed (Khadar),Wasiiro , Xildhibaan iyo Madax kale oo dowladda ka tirsan ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta Maxaabiistaan Soomaliyeed.
19 –kii bishii Janaayo isla sanadkaan ayeey aheyd markii garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay Dalka India, kuwaasi oo dhameystay xukun ay horey ugu riday maxakamadda ku taala Dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintas warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa saddex dal, wuxuuna intaasi ku daray in 70 kale oo ku jira xabsiyada Dalka India dhawaan la keeni doono Soomaaliya.

