Madaxwayne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo, ayaa xaqiijiyay in shan katirsan ciidamadooda looga dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen shalay degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe.
Dhanka kale xaraka Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen askar gaaraysa illaa iyo 80, kuwaas oo 20 kamid ah ay yihiin saraakiil iyo tababarayaal shisheeye.
Madaxwayne ku xigeenka Burundi ayaa beeniyay dhankiisa sheegashada Al-Shabaab ay sheegteen in ciidamada Amisom ay ka dileen 80 askari, asagoona intaasi sii raaciyay in ciidamadamada weerarkaas kaga dhimatay ay ahaayeen illaa iyo 5 askari oo kali ah.
Maalinnimadii shalay ayay ahayd markii qaar katirsan ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe ayagoona sacaado kooban lawareegay gabi ahaanba gacan ku haynta degmadaas.
Weerarkan ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalinnimadii shalay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda lagu soo gaba gabeeyay shir ay ka qayb galayeen madaxda wadamada soomaaliya ugu deeqay ciidamada nabad ilaalinta Amisom.
Shirkaas ayaana looga arin sanayay sidii ciidamada Amisom dalka uga bixi lahaayeen loona heli lahaa ciidamo soomaaliyeed oo awood u leh lawareegida dhamaan amniga dalka.

