Wasiirka Beeraha Iyo Qunsulka Safaaradda Masar ee Somaaliya oo Booqday Afgooye “Sawirro”

0

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soday Wasaaradda Beeraha ee Masar ayaa booqday dhul beereed ku yaala Degmada Afgooye.

Ujeeddada kormeerka ay wafdigan uu ku tagay Xarunta ugu wayn ee dalka ee tijaabada dalagyada  Beeraha oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qiimeynta qorshayaal lagu hirgelinayo heshiis iskaashi oo dhanka Beeraha ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Qunsulka Guud ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya  Tamer Safwat El_Mahdy oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta maanta booqatay Degmada Afgooye  ayaa sheegay in  Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta heshiiskii horumarinta Beeraha Soomaaliya iyo Masar ay kol hore wada gaareen, wuxuuna bogaadiyay dadaalada  wax soo saarka ee dhinac Beeraha  Dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee  Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta beeraha iyo yareenta cunta yarida, iyadoo ay la kaashanayso saaxbiibadeeda caalamka ah, waxaana uu xusay Wasiirku in tan ay waxbadan ka tari doonto dhibaatooyinka cunto yerida Dalka soo wajahda.

Beertan tijaabada dalagyada Beeraha oo ay gacanta ku heyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa hada waxaa ku beeran dalagyo ay ka mid yahiin Mooska, Qaraha, Liintaa iyo kuwa kale.

Booqashada Qunsulka Guud ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili maanta qarax ismiidaamin ahaa lagu weeraray xarun ciidamo taabacsan Imaaraadka ku lahayeen Afgooye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here