Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Ismiidaamin ahaa oo maanta lagu qaaday saldhig ay ku sugnayeen ciidamo ay soo tababartay dowladda imaaraadka carabta oo ku yaal Afgooye.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaday xarun ay ku sugnayeen ciidamo taabacsan Imaaradka carabta oo la kulmay weerarkaas ismiidaaminta ahaa.
Gudoomiye ku Xegeenka gobalka shabeellaha hoose C/fataax xaaji oo la hadlay Idaacada Simba ayaa xaqiijiyay geerida 6 askari oo katirsanaa ciidama imaaraadka tababaray ee ku sugn xarunta la weeraray.
Xaalada degmada afgooye aya ah iminka ah mid dagan waxaana dib usoo laabtay isku socodkii gadiidka.

