Ciidamada Dowladda oo Xalay Howlgal Ka Sameeyay Qaar kamid ah Degmooyinka G/Banaadir

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya gaar ahaan kuwa xasilinta Caasimadda iyo kuwa Booliska AMISOM ayaa xalay howlgal waxa ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ay dowladda Federaalka Soomaliya shalay ku dhawaaqday, kadib qaraxyadii ka dhacay Magaaladda muqdisho habeenkii jimco aheyd ayaa xalay laga sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka banaadir.

Ciidamadda ayaa xalay howlgal ka sameeyay qaar kamid ah xaaafadaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkinley waxayna Ciidamadda guri guri  u baarayeen xaafadaha,iyadoo sidoo kale wadooyinka ay joogeen ciidamo ka tiro badan kuwii loo bartay.

Qaar kamid ah dadka degmooyinka howlgalka laga sameeyay ayaa idaacadda Simba u sheegay  in ciidamada intii ay howlgalka ku jireen gacanta ku dhigeen rag loogha shakisanyahay in ay xeriir laleeyihiin Xarakadda Al-shabaab.

Dhanka kale laamaha Amaanka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in warbaahinta uga warbixiyaan Natiijadda howlgalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here