Dowladda Soomaaliya Oo Caawa Howlgalo Cusub ka bilaabeysa Muqdisho.

0

Kulan looga hadlayay Xalada Amni  iyo xasilinta Magaalada  Muqdisho ayaa Galabta lagu Go’aamiyey Howlgalo caawa ka bilaabanaya Degmooyinka kala Duwan Gobalka Banaadir.

Kulankan oo galabta ka dhacay Degmada C/casiis gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliska  ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale , Taliyaha Booliska, NISA iyo Saraakiisha AMISOM iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Kulanka Ciidamada Xasilinta Muqdisho, oo ku eedeysan howl gudasho la’aan dhanka Amniga ah oo Sababtay Weeraradii Asbuucii tagay ka dhacay muqdisho ayaa  amr ku bixiyey inay xoojiyaan  Howlgalada lagu dadka xiriirka la leh Al-shabaab.

Ciidamada Xasilinta ayaa lagu amray inay ka amar qaataan Taliyeyaashooda, si looga hortago isku dhac dhexmara Ciidamada Dowladda.

Howl gallada lagu dhawaaqay inay caawa ka bilaabanayaan magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalintii jimcaha ay qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu dilay illaa sodomeeyo ruux, kaasoo ay sheegatay AlShabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here