Dowladda Masar iyo Ururka OIC oo Cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho Ka Dhacay

0

Dowlada  Masar iyo ururka iskaashiga islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Masar ayaa lagu yiri, waxaan ka xunnahay qaraxyadii argagaxiso ee ka dhacay caasimadda Muqdisho, dadka badanna ay ku geeriyoodeen, kuwaas bartil maamaydkoodu ahaa madaxtooyada soomaalya iyo Hotel ku yaalo caasimadda Muqdisho.

Dowladda Masar markasta waxa ay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda soomaaliya, qaraxyadaasna maburburi doonaan hamigii dowladda soomaaliya ay ka laheed cirib tirka argagaxisada ayaa ku yiri war qoraal ah uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Masar Ahmed Abu Zeid.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay ururuka iskaashiga islaamka ayaa lagu cambaarayay qaraxyadii gilgilay caasimada Muqdisho.

“Ururka iskaasiga islaamka (OIC) waxa uu si xoog leh u cambaaraynayaa weeraradii ka dhacay caasimada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad farabadan kuwa kalana ay ku dhaawacmeen ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka.

Labaqarax oo habeenimadii jimcaha ka dhacay caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ku dhaw afartan ruux oo u badan dad shacab ahaa.

Masuuliyadda qaraxyadaas waxaa sheegtay xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here