Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay Iney Bur Burisay Saldhigyo Al-shabaab Ay Leeyihiin

0

Taliyaha Ururka 49 aad , guutada 10 aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Faarax Maxamed Turbac, ayaa sheegay in Ciidnka Xoogga Soomaaliya ay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga Degmooyinka  Baardheere , Buurdhuubo iyo goobo kale oo Gobolka Gedo ka mid ah.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay Ciidamadu Cagta mariyeen Saldhi ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Juungal oo 30 KM u jira Baardheere ee gobalka gedo.

Taliyaha Turbac ayaa sheegay inay howl galladan iska kaashadaan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo AMISOM, ujeeddadooduna ay tahay sidii meesha ay kaga saari lahayeen Al-shabaab ka Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada gaarka ee Mareykanka ayaa koofurta iyo Bartamaha soomaaliya waxaay ka wadaan howlgallo lagula dagaalamayo Askarta Al-shabaab ka katirsan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here