Waxaa shalay magaalada muqdisho dhaawac loogu geystay gudoomiyihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha degmada Xamar Jajab, kaa oo u geeriyooday markii danbe dhaawacii shalay soo gaaray gudoomiyaha.
Goobjoogayaal ku sugan degmada xamarjajab ayaa idaacada Simba u sheegay in dilka gudoomiyahaasi uu ka danbeeyay askari katirsan ciidanka dowlada, balse aan la garaneyn sababta ka danbeysay dilkaasi.
Xiriiro kala duwan oo Radio Simba la sameeyay maamulka iyo saraakiisha Amaanka degmada Xamar Jajab, ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan sababta ka danbeysay dilka gudoomiyihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha degmadaasi, inkastoo markii danbe ay sheegeen iney dib warbaahinta kala hadli doonaan.
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka ka danbeeyay dilka gudoomiyahaasi, inkastoo aysan jirin cid si rasmi kaga hadashay waxa uu salka ku hayo dilka G/dhalinyarada & Ciyaaraha degmada X-jajab.
Waxii kusoo Kordha Sababta Ka Danbeysay Dilkaasi Waan Idinla Soo Wadaagi Doonaa……

