War Deg Deg:-Toogasho Caawa Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa caawa qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.

Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid,waxeyna ragga hubeysan dilkan u geysteen askari ka tirsanaa Booliska Dowladda Soomaliya.

Askarigaan lagu dilay xaafada Suuq Bacaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Maalin,waxaana laga toogtay qeybaha sare ee jirka.

Mas’uuliyadda dilkaan waxaa sheegtay Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here