Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeeshaan magaaladda Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Golaha Wasiirada siiyay warbixin ku aadan xaalada amniga Muqdisho, isagoo sheegay in la helay xog sirdoon oo sheegaya in labo gaari oo qaraxyo sida inay ku jiraan magaalada.
Wasiirka ayaa sheegay in mid kamid ah gawaarida loo ekeysiiyay gaadiidka Shirkadda SAHAL ee ka shaqeysa Garoonka Muqdisho uu ku jiro gudaha magaalada muqdisho.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis oo warbaahinta la hadlay markii kulanka uu soo dhamaaday ayaa sheegay in labo gaari qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada, lana doonayo in laga feejignaado.
“Wasiirka Amniga ayaa warbixin laga dhageystay, Wasiirka wuxuu sheegay in xaaladaha ay aad u fiican yihiin, laakiinse uu jiro gaari NOAH oo loo soo ekeysiiyay mid ka mid ah Gawaarida shirkadda Sahal ee ka shaqeysa Garoonka Diyaaradaha, lana rabo in laga digtoonaado”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.
Sidoo kale Wasiir Iidaan ayaa shacabka kaga digay qatartaasi amni iyo inay ka feejignaadaan gaarigaasi NOAH ah iyo gaariga kale.

