Wafdi Ka Socda Qaramadda Midoobay iyo AMISOM oo Gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawirro

0

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimdda maamulka  Galmudug waxaa maanta gaaray Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay, Taliska AMISOM,safaarada mareykanka, Safaarada Turky-ga, iyo Wakiilo kale.

Wafdigaan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan gaba-gabadda shirka amniga Galmudug oo Magaaladda Dhuusamareeb maalintii sadaxaad ka socda

Saraakiishaan ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey wakiilka dowlada Fadaraalka u qaabilsan dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuunna C/samad Macalin Maxamuud iyadoo loo galbiyey gudaha magaalada halkaa oo uu ka socdo shirki amniga Galmudug.

Shirka  amniga Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Galmudug sida, wasiirka amniga, wasiirka arimaha gudaha, wasiirka maaliyada, saraakiisha ciidamada iyo xubno ka socda Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaa shir gudoominaya shirka Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Mmaxamed Shaakir Cali Xasan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here