Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo nabaddoonka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.
“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho. ilaahay ha u naxariisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”
Marxuum Axmed Diiriye Cali oo ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye, ayaa xalay ku geeriyooday Magaaladda muqisho,wuxuuna ahaa mid xanuusanayay mudooyinkii dambe.

