Xalay waxaa Magaalada muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kamid ahaa odoyaasha Soomaliyeed,kuwooda ugu caansan koonfurta dalka Soomliya.
Nabadoonka oo da’diisa ay aheyd 75-sano jir ayaa mudooyinkii dambe xanuun la jiifay, wuxuuna xalay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee Magaaladda Muqdisho.
Waxaa lagu Xasuustaa Nabadoon Axmed Diiriye halgankii uu la galay ciidamadii Itoobiyaanka ee Muqdisho qabsaday iyo dowladii C/llaahi Yuusuf Axmed, sanadkii 2006-dii.
Ciidamadda Itoobiyaanka ee Muqdisho qabsaday ayaa Nabadoonka mar ku xirey Saldhig ay ku lahaayeen Magaladda Baydhabo, inkastoo markii dambe dadaalo la sameeyay lagu soo daayay.
Sidoo kale Nabadoonka ayaa kamid ahaa Odayaashii dhaqanka ee taageerayay dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif sheikh Axmed ee lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009-kii.
Saakay ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magalaada muqdisho,waxaana duugtiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya iyo qeybaha bulshadda.

