Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay Mas’uul Loo Magacaabay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loo magacaabay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ah.

Tallaabadan ayaa aasaas u ah dhismaha Guddiga Sare ee Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu hawlanaa tan iyo markii uu madaxweynaha dalka uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 2dii Oktoobar 2017, isla markaana ay ku soo baxday faafinta rasmiga ah 20-kii bishii Nofeembar eeisla sanadkaas.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan oo soo dhoweeyay ansixintan ayaa uga mahad celiyay Golaha Wasiirrada ansixinta Maareeyaha Hay’addani oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu dalku yeesho.

“Farxad ayay noo tahay inaan dhismaha hay’addan ku soo gabagabeyno 90-kii cisho ee uu sharciga na siinayay oo ka billaabaneysay saxiixa madaxweynaha iyo faafinta rasmiga. Waxa ugu muhiimsan ee uu sharcigu dhigayay waxay ahayd dhismaha Hay’addan oo qaban doonta dhammaan hawlaha la xiriira nidaaminta isgaarsiinta dalka,” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Ballan baan ku qaadnay in ansixinta sharciga aysan noo ahayn hadaf haddii aysan la socon fulintiisa. Maantana waa tallaabo kale oo taariikhi ah oo loo qaaday hirgelinta sharcigan oo muhiim u ah dalka,” ayuu yiri wasiirku.

                                                           “Dhamaad”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here