Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka Tirsan Wasasaarada ay baaritaan ku ogaadeen in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunnooyinka loogu talagalay carruurta iyo dadka kale ee ay nafaqa daradu heyso.
Cuntooyinka Wasaaradda ay sheegtay in Suuqyada Muqdisho Lagu iibiyo waxaa kamid ah Buskut, Saliid, Digir, Haruur iyo malmaatooyinka nafaqada leh ee loo yaqaan RUSF iyo RUTF.
Wasaaradda ayaa amar ku siisay hey’adaha amniga, in ay soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay arintaas.
Qoraalka wasaaradda ayaa kusoo beegmaya xili Talefishin laga leeyahy Mareykanka oo lagu magacabo CNN uu baahiyay in Gargaarka Soomaliya qeyb kamid ah uu gacanta u galo Al-shabaab.


