Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaliya ayaa maanta ka sameeyay deegaanka Gubadley ee dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir howlgal lagu qabtay 7-ruux oo isugu jiray kuwa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya iyo rag kale oo kufsi geystay.
Taliyaha qeybta Bari ee gobalka Banaadir Gashaanle Sare Maxamud Xuseen Axmed oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu so bandhigay waxyaabaha maanka dooriya ayaa sheegay in wax laga qaban doono cid walbo oo lagu arko ka ganacsiga waxyabaha maanka dooriya iyo isticmaalkooda.
Taliye ku xigeenka qeybta guud ee gobolka Banaadir Jeneraal Sulub Axmed ayaa sheegay in raggani lagu sameyn doono dhaqan celin, waxa uuna bogaadiyey ciidamada xooga dalka qeybtooda 3-aad ee Gubadley iyo qeybta Bari gobolka Banaadir shaqada ay qabteen.
Ciidamada Booliska Soomaliya ayaa malmihii ugu dambeeyey waday howlgalo lagu soo afjarayo waxyaabaha maanka dooriya.












