Xildhibaan Ganacsatadda Ku Tilmaamay In Ay Yihiin Kuwo Dhiig Miirata ah+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay xirnaanshaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa go’aanka shaqo joojinta Ganacsatadda ku tilmaamay mid qaldan, wuxuuna Ganacsatadii  maanta ku dhawaaqday shaqa joojinta ku sheegay iney yihiin kuwo dhiig miirata ah oo aanan u turin shacabkooda.

Sidoo kale waxuu Ganacsatada ku eedeeyay in lacago xad dhaaf ah ay ka qaadaan dadka doonaya gudashada waajibka ee acmaasha xajka ee aado magaalada barakeysan ee Makkah.

Xirnaanshaha maanta ee Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeelatay dadka ka xoogsada ee maalin walba nolol maalmeedkooda ka soo dhacsan jiray gudaha suuqa, waxaana si gaar albaabada loo laabay qaar kamid ah mehradaha ganacsiga ee ku yaal suuqaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here