Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Ku Kala Qeybsamay Xirnaanshaha Suuqa+Dhageyso

0

Waxaa maanta oo axad ah qeybo kamid ah Mehradaha Ganacsi ee Suuqa-weyn ee Bakaaraha ay u xeran yihiin ganacsata waaweyn ee suuqa, kuwaa oo la sheegay iney arintaasi kaga gol leeyihiin dana gaar ah oo ganacsatada qaarkood ay ku sheegeen inaan lagala tashan ama aan lagu soo war galin arintaasi.

Wariyayaasha Idaacada Simba oo booqasho waqti dheer qaatay ugu kuur galay wararka sheegaya in gabi ahaanba uu xiran yahay suuqa weyn ee bakaaraha, ayaa waxey arintaasi kusoo ogaadeen iney been abuur tahay wararkaasi sheegaya in gabi ahaanba ay xiran yihiin goobaha ganacsi ee ku yaaal Suuqa Bakaaraha,kadib markii ay la dhax mareen ganacsata makaroofanka Idaacada Simba.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa iyo dad usoo baxay iney suuqa ka ganacsataan oo la hadlay idaacada Simba ayaa waxa ay siyaabo kala duwan uga hadleen xirnaanshaha suuqaweyn ee bakaaraha, ganacsatada qaar kood ayaa sheegay in xirnaanshiyaha suuqaweyn ee bakaaraha ay wataan ganacsato qaar, ayna ka war qabin laguna soo war galin in la xirayo suuqa taasina ay tahay sababta keentay kala qeyb sanaanta ganacsatada suuqa-weyn Bakaaraha ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale mid kamid ahaa dadkii suuqa weyn ee bakaaraha usoo Dukaameysi tagay ayaa sheegay inaan lagu war galin xirnaansha qeybo kamid ah goobaha ganacsi ee suuqa, arintaasina ay ku noqotay dhabar jab waxuuna sheegay in xirnaashiyahaasi ay qeyb yihiin Xildhibaano katirsan dowladda federaalka Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here