Wasiirka waxbarashada Kenya Amina Mohamed ayaa ka digtay meesha ugu qatarta badan ee Xarakada Al-Shabaab ay weerarada ku soo qaadaan in ay tahay iskuulada kuyaalo gudaha dalka Kenya.
Hadalkan ayay ka sheektay wasiir Amina mar ay ka hadlaysay weerarkii jimcihii xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen iskuulka Qarsa ee ku yaalo deegaanka Wajeer halkaas oo ay ku dileen 3 macalin ayagoona dhaawac u geystay labo macalin oo kale.
Aamina Mohamed oo ah wasiirka waxbarashada Kenya ayaa si kulul u cambaaraysay falkaas lagu laayay macalmiinta ayadoona sheegtay in uu falkaasi yahay mid aad looga naxo.
Madaxa fulinta macalimiinta “Nancy Macharia” ayaa asna sidoo kale aad u cambaareeyay dhacdadaan, asagoona sheegay in weerarku uu ka dhigan yahay mid lagu soo qaaday xirfada macalimiinta.
Wasiirka waxbarashada Kenya “Aamina Mohamed” ayaa tiri tani waxa ay calaamad cad u tahay in weerar lagu hayo goobaha waxbarasho ee dalkeena, sida tan ka dhacday Qarsa school, haddaan nahay madaxda dowladda waxaan ku qasban nahay in aan ka fakarno, badqabka ardayda, iyo macalimiinteena ayay hadalkeeda sii raacisay Amina.
Booliska dalka Kenya ayaa illaa iyo haatan u qabtay 4 ruux oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lugna ay ku leeyihiin weerarkii ugu danbeeyay ee lagu laayay macalimiinta.
Shalay ayay ahayd markii qaar katirsan xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka wajeer ee waqooyi bari kenya gaar ahaan iskuulka Qarsa halkaas oo ay ku dileen 3 macalin oo wax ka dhigayay iskuulkaas iyo dhaawaca 2 macalin oo kale.

