Iyadoo mudooyinkii dambe Maamulka Gal-mudug uu dadaalo Nabadeed uu ka waday Degmadda Cabud-waaq ayaa waxa ay masuuliyiintii ka socday sheegeen in ay ku guuleesteen in ay soo afjaraan colaadii ka dhex-taagneed Beelaha Daga Dagmada.
Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Gal-mudug Max’ed Xayir oo la hadlay idaacada simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lasoo afmeeray Colaadii u dhaxeysay beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalami jiray Cabud-waaq.
Wasiirka oo sii hadlay ayaa tilmaamay in qeybaha haray ee Heshiiska ay sii dhamestirayan Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Cabud-waaq Ee Galmudug.
Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Gal-mudug ayaa ku soo beegmaya,iyadoo horay Maamulka Gal-mudug ay ugu guuleesteen in ay soo gaba-gabeeyeean Colaadka Ka dhex-taagneed beela Dagmooyinka Guri-ceel iyo Balanball Ee Maamulka Gal-mudug.

