Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya Oo Weerar ku Qaaday Fariisimo Ay Leeyihiin Al-shabaab

0

Faafahino dheraad ah ayaa laga helayaa howlgallo qorsheeysan oo maanta ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo garab ka helaya ciidama gaarka ee Mareykanka, ay ka sameynayaan Tuuloyin-Hoostaga Dagmada Awdheegle iyo deegaano hoos taga degmada Baraawe ee gobalka shabeelaha hooose.

Ciidamadan  huwanta  ayaa si gaar ah howgallada kaga sameynayay degmooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin  degmada Tooro-toorow, Awdheegle iyo deegaano dhowr ah oo hoos taga Dagmooyinkaasi.

Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay Inta ciidamada huwanta ay wadeen howlgaladooda ay la kulmeen Dagaalo goos-goos ah oo kaga imaanaya Dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro iskugu Jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee Al-shabaab kii la weeraray iyo ciidamadii Danab iyo Mareykanka is kugu jiray.

Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacmo oo lahadlay Idaacada Simba Ee magaalada Moqdisho ayaa sheegay in Maamulku uu wado baaritaan ku aadan khasaaro ka dhashay Dagaalkii Teel-teelka ahaa Ee Dhex-Maray Ciidamada Kumaandoosta soomaaliya ee garabka ka helayay ciidamadii kale ee cadaanka aha weerarka ku qaaday Saldhigyadii Al-shabaab.

Wararkii ugu Danbeeye Ee haatan naga soo gaaraya Tuuloyinka Bisiqdheere Doon-Buraale iyo Garas-laami ayaa ku waramaya in ciidamada Al-shabaab ay sameynayaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo ku aadan iney iskaga baxayaan degmooyinka iyo deegaanadaasi gacantooda ku jiray ee howlgalku kusoo socdo.

Dhanka Al-shabaab majirto wax war ah oo kasoo baxay ee  ku aadan weerarada la sheegay in looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay kaga sugnayeen gobalka shabeelaha hoose soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here