Ciidamo ka tirsan Kuwa Maamulka Puntland ayaa Qarax lagu eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari sida ay Radio Simba u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland.
Ciimadamadaan oo ku Wajahnaa Magaalada Boosaaso ayaa lagu Weeraray Qarax miino oo dhulka lagu aasay, kaa la sheegay inuu Sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac Sida Simba u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiisha Puntland, inkastoo ay ka gaabsadeen khaasaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi iney faah faahin intaa ka dheeri ah ka bixiyaan Saraakiisha Ciidamada Daraawiisha Puntland.
Ilo dadka deegaanka oo ka ag dhawaa halka uu qaraxaasi ka dhacay ayaa inoo sheegay in tiro Askar ah ay ku Dhaawacmeen qarax ciidamada Puntland lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanada Sugurre iyo Galgalo ee duleedka magaalada Boosaaso, oo Al-shabaab fariisamo ciidan ay ku leeyihiin.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi lagu weeraray ciidamada Puntland, waxeynta intaa ku dareen iney gabi ahaanba ku bur buriyeen gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo katirsan Puntland.
“Waxaan bur burinay gaari gaal, waxaana weerarkaasi qaraxa miino ee dhulka ciidamadeenu ku aaseen aan ku dilnay 2- askari halka ciidamadii kale ee gaariga saarnaa gabi ahaantooda ay noqdeen dhaawac”
Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxaasi ayaa ku waramaya in ciidamo ka tirsan Puntland ay gaareen goobta qaraxa miino lagula eegtay ciidamadooda, waxeyna halkaasi ka sameeyeen howlgalo ay ku doonayaan iney ku soo helaan xog ku aadan ragii ka danbeeyay qaraxaasi lagu weeraray askartooda.
Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay weerarada iyo qaraxyada miino ee lala eegto askarta Puntland ee ku socdaala deegaano dhaca duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

