Ugu yaraan Labaatan Carruur ah oo ka mid ah Dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo gudaja Soomaaliya.
Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii loogu soo celi laha gudaha dalkooda.
Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay inay jiraan carruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hadhayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.
Maryan ayaa walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya , kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo ayan Dowladda Liibiya gacanta ku hayn ama goobo qarsoodi ah iskana qariya laamaha ammaanka dalkaasi Liibiya.
Carruurta haatan lagu wado in lagu soo celiyo Dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa u sheegay wafdigan dowladda federaalka ka socda iyo saraakiisha hay’adda IOM in laga qaato lacago ka badan inta ay sheegtaan magafayaashu, balse aysan ciqaabta iyo haysashaduba lahayn waqti xaddidan.
Dadka Soomaaliyeed ee Tahriibta ku tegey Dalka Liibiya ayay ku qiyaastay Kumanaan Qof oo u badan Dhallin yaro, kuwaasoo loo geysto Jirdil Kufsi iyo ciqaabo kulul oo qaarkood ay u dhintaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddadii Sanadka ahayd ee ay jirtay ku dedaashay inay xabsiyada iyo goobaha kale ee lagu haystoba ay kasoo sii deyso Maxaabiis badan oo u xirnaa siyaabo kala duwan.

