Saraakiil ka Socta Dowladda Itoobiya oo maalhimii la soo dhaafay ku sugnaa Gobalka Sool ayaa heshiis Hordhac ah kala Dhex-dhigay Maleeshiyaad mudooyinkii danbe ku dagaalamaya Koofurta Gobalka Sool oo ka soo kala Jeeda Soomaaliland iyo Puntland.
Qodobadii laga soo saaray waxaa kamid ah Kulamdii Colaada Sool:-
1:In Colaadii La Joojiyo.
2:In dhinac Kasta uu Joogo Deegaankeeda Laysku Soo Gudbin Inta Magta La Kala Qaadanayo.
3: In dhinac Kasta Saddex Sano Ku Bixiso Magta.
4:In Dowlada Itoobiya la shaqeyso Gudiyada Nabadeenta.





